500$-1000 sameey bishii alibaba ( Af somali )

Alibaba Waa Shirkad Ay Ka Ganacsadaan Kumanaan Ganacsato Ah Oo Kala Duduwan. Waa Ganacsi U Shaqeeya Qaabka ( Business To Business ) Ama B2B E-Commerce. Mancaheeda Waxa Weeye Kaliyah Jumlad Ahaan Bey Wax U Gadaan Ee Tafaariiq Ma Jirto.
Shirkadan Alibaba Group Waxaa Tafaariiqda U Qaabilsan Aliexpress. Marka Hadii Aad Jumlad Rabto Waxa Ka Adeeganeysaa Alibaba.com Hadii Aad Tafaariiq Rabtana Aliexpress.com.
Alibaba Waa Shirkada Aduunka Igu Weyn Ee Qaab Online Ah Looga Adeegto Xataa Waxey Ka Dhaqaalo Badan Tahey Amazon.

Waa Maxey Alibaba ?

Alibaba Waa Qeyb Ka Mid Ah Shirkada Guud Ee Loo Yaqaan Alibaba Group. Shirakadan Waxaa Iska Leh Taajirka Shiineyska Ah Ee Jack Ma, Wuxuuna Aas Aasey Sanadkii 1999. Shirkadan Xarunteeda Guud Waxey Ku Taalaa Dalka China.

Alibaba Vs. AliExpress

Aliexpress Wuxu Asna Ka Tirsan Yahay Shirkada Guud Ee Alibaba Group Laakiin Wuuka Duwan Yahay Alibaba.com. Wuxuu Aliexpress U Shaqeeyaa Qaab Ah (Business To Consumer ) Ama B2C. Macaneeda Waxa Weeye Waxaad Ka Iibsan Kartaa Tafaariiq Ama Hal Shey Aad U Baahan Tahay Meesha Alibaba.com Aadan Ka Iibsan Karin Tafaariiq. Alixpress Waxaa Ka Heli Kartaa Badeecooyin Aad U Jaban Oo Dalka China Lagu Farsameeyey.

Alibaba Vs. Amazon

Amazon Waa Shirkad Ameerikaan Ah Oo U Shaqeysa Qaabka B2C E-Commerce Platform. Faraqa Kaliyah U Dhaxeeya Waxa Weeye Alibaba.com Waxey Wax Ka Iibiyaan Ganacsatada Ama Shirkadaha Madaama Ay Jumlo Ahaan Kaliyah Wax U Iibiyaan Meesha Amazon Ay Wax Ka Iibiso Dadka Caadiga Ah Oo Tafaariiq Ahaan Wax U Rabo.
Aliexpress Iyo Amazon Baa Isku Si U Shaqeeya Oo Labadaba Waa B2C E-Commerce Platform.
Badeecooyinka Lagu Iibiyo Amazon Waa Yaro Qaali Marka Loo Eego Aliexpress. Dadka Wax Ku Iibiyo Amazon Waxey Kasoo Adeegtaan Shirkada Alibaba.com. FBA Baa Loo Yaqanaa Ganacsigaas.

How To Buy From Alibaba In 6 Steps

Alibaba In Aad Ka Adeegato Wuu Ka Yara Duwan Yahey Ganacsiyada U Shaqeeya Qaabka B2C Sida Amazon Iyo Aliexpress. Wadadan Mar Hadii Aad Rabtid In Ka Adeegato Alibaba Adoo Wadankaaga Joogo Ama Somaliya.

Create An Account

Account Ka Sameyso Marka Hore Alibaba.com. Wax Yaalaha Aad Buux Buuxineysid Waaxa Ka Mid Ah :

⦁ Country/Region
⦁ Trade Role
⦁ Full Name
⦁ Email Address
⦁ Company Name
⦁ Telephone Number

Sidoo Kale Waxaa U Baahantahey In Aad Password Ku Xiratid Kootadada.

Search And Find Products

Meesha Ay Ku Qoran Tahay ( Search ) Waxaa Ku Qortaa Magaca Badeecada Aad Raadineysid Oo Rabtid In Aad Gadatid. Kaidb ( Ok ) Dheh Wuxuu Kusoo Saarayaa Badeecada Aad Rabtey Oo Shirkado Kala Duwan Ay Gadaan Iyo Qiimooyin Kala Duwan Ay Iibinayan.

Compare Sellers

Malaayiin Tukaan Baa Ka Furan Alibaba.com, Laakiin Waxey Ukala Baxaan 3 Qeyb. Waxaana La Kala Dhahaa “Gold Supplier,” “Verified Supplier” And “Trade Assurance Supplier.”

Negotiate Deals Or Buy Right Away

Markad Heshid Alaabta Aad Rabtey Waxaa Ku Furan In Aad Toos U Iibsatid Ama Ula Gorgortantid. Waxaa Fiican In Aad La Hadashid Oo Isla Garataan Qiimaha Igu Macquulsan, Qiimaha Soodhoofinta Alaabta Iyo Qaabka Aad Lacagta Ku Bixineysid.

Place Your Order

Markaad Hishiisaan Igu Danbeyn Waxaa Xiligii Aad Lacagta Bixin Lahayd. Dhoor Qaab Ba Lacagta Waad Ku Bixin Kartaa, Waxa Ka Mid Ah :
Credit Cards
Debit Cards
Online Bank Payment (EChecking)
Wire Transfer (T/T)
Western Union

Receive Your Goods

Tan Igu Danbeysa Waa In Aad Alaabtii Aad Dalbatey Ay Ku Timaadaa. Dhoor Qaab Ba Alaabta Wad Usoo Dhoofsan Kartaa. Mar Diyaarad Baad Soo Saran Kartaa Oo DHL Ka Baad Dhihi Kartaa Isoo Saara Laakiin Waa Qaali Xogaa. Tan Labaad Waa Adoo Markab Ama Doon Isoo Saara Dhahdid . Markab Ka Wuu Ka Jaban Yahey Diyaarada Waayo Markab Ka Alaabta Waxey Kusoo Gaareysaa 45 Bari Kadib Meesha Diyaarad Ay 10 Bari Kuugu Keeneyso.

Gunaanad

Aniga Dhoor Jeer Ban Wax Ka Dalbadey Suuqan Alibaba. Ganacsi Aan Bilaabey 2020 Baan Sifiican Igu Fahmey Suuqan. Haddii aad rabto in aad alaab china ama alibaba aad ka dalabato waxan kuu diyaarinay course nal soo xiriir whatsapp 0616992724

WQ/ Buzuri aweis

7 thoughts on “500$-1000 sameey bishii alibaba ( Af somali )”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arag wax qabadkeena