Sidee fiverr ugu shaqeysan kartaa adigoo somalia ama wadan kasta joga !

Fiverr Waa Website Kuu Fududeenayo In Aad Ka Iibsatid Waxyaalaha Digital Service Ka Ah, Sidoo Kalana Aad Adugu Ka Shaqeysan Kartid Oo Wax Ku Iibin Kartid. Fiverr Marka Wuxuu Isku Xiraa Iibiyaha Iyo Laga Iibiyaha.Magaca Fiverr Wuxuu Ka Yimid Number Ka 5, Taas Laga Wado $5 Baa Service Igu Yar Laguugu Samenaya. Macnaha Qiimo Jaban Weeye Wax Walba.

Sidee Fiverr U Shaqeeyaa ?

Website Kan Waxaa Ku Jiro Dad Badan U Shaqeeyo Qaab Freelancer-Nimo Ah. Freelacer-Nimada Waa Adoo Gurigaaga Joogo Online-Ka Ka Shaqeyso. Waxey Bixiyaan Service-Yo Kala Duwan. Tusaale, Website Yada Bey Sameeyaan, Loogooyinka Bey Qiimo $5 Ah Kugu Sameenyaan Iyo Dhamaan Wixii La Xiriiro Graphic Design Ka .

Fiverr Terms

⦁ Gig: Wuxuu La Macno Yahey ( Service ) Oo Kale.
⦁ Seller: Waa Qofka Shaqada Kuu Qabanayo Oo Adna Aad Lacagta Siineysid.
⦁ Buyer: Waa Qofka Shaqada Loo Qabanayo Kadibna Lacagta Bixinayo.

Sidee Wax Oga Iibsan Kartaa Fiverr ?

Marka Aad Rabtid In Aad Wax Ka Iibsato Fiverr, Meesha Search Tool Ka Baad Ku Qoreysaa Waxa Aad Rabtid.

NOW.png

Waxaa Kusoo Baxayo Dad Kala Duwan Oo Shaqadaas Kuu Qabanayo, Marka Waa In Aad Kala Dooratid Adigoo Ku Kala Xulanayo Qiimaha Ay Shaqadaas Kugu Qabanayaan.

Sidee Wax Igu Iibin Kartaa Adiga ?

Wey Fududahey In Aad Ka Shaqeysatid Website Kan. Marka Hore Waa In Aad Xirfad Leedahay Ama Shaqo Aad Qibrad U Leedahay Kusoo Bandhigtid. Tusaale, Waxaad Oga Shaqeysan Kartaa Turjumaan Ahaan, Sameynta Websiyada Iyo Graphic Design Kaba.
Markuu Qof Shaqo Iiqabo Ku Dhaho, Lacagta Buu Horumaris Ahaan U Bixinayaa Lkn Lacagta Waxaa Heenayo Fiverr. Markad Qofkii Shaqada U Qabtid Oo U Dirtid Waliba, Markas Buu Fiverr Ka Lacagta Kusoo Dirayaa Adna.

Gunaanad

Runtii koorso ayan ka diyaariyey Fiverr Ka, Waana Ka Shaqeeyaa. Gaar Ahaan Qeybta webdesign-ka Oo Waxan naqshadeeya website-yada iyo sawirada Soomaaliga io kuwa caalamkaba, koorsiska Waxaa Ka Helaysaa website keena xirfad.online ..

Fiverr Soomaaliya Wuuka Shaqeyaa Iyo Afrika-Ba. Hadii Aad Xirfad Leedahay Wax Kugu Dhiiri Galinayaa In Aad Ka Shaqeysato.

WQ/Buzuri Aweis

Nagala soo xiriir whatsapp : 0616992724

telegram : xirfad.online

Fb: xirfad.online

1 thought on “Sidee fiverr ugu shaqeysan kartaa adigoo somalia ama wadan kasta joga !”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arag wax qabadkeena